TOP+SAWIRRO:- Shir ku saabsan siyaasada oo Muhiim u ah Haweenka iyo Dhalinyarada oo lagu qabtay Garoowe

0

Shirkaan oo ka dhacay hoolka shirarka Jamacada PSU ee magalada Garoowe , waxaa looga hadlay doorka ay ku leeyinhiin Dhalinyaradda iyo Haweenka Ka qayb galka Siyaasadda Dalka Soomaaliya.

shirkaan oo ay soo abaabuleen dhaqdhaqaaqa u dooda haweenka doonaya in ay ka qab galaan siyaasadda dalka ee Talawadaag , ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Haweenka Puntland , Xafiiska Qaramadda Midoobay u qaabilsan Siyaasadda Soomaaliya UNSOM , Xubno ka socday Hay’adda UNDP iyo Marti sharaf kale.

Waxaana intii uu socday shirka loogu gorfeeyay muhiimada ay leedahay in Hawenka & Dhalinyaraddu isku garabsadaan sidii ay oga soo dhax muqan lahaayeen siyaasadda uu dalku wajahayo ee ku dhisan Horumarinta .

Wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland Marwo Aniso Xaaji Muumin , ayaa ku dhiiri galisay haweenka soomaaliyeed in ay muujiyaan dhabar adeeg si loo gaaro hamiga fog ee ay haweenka soomaaliyeed Hiigsanayaan.

Gudoomiyaha Dhaqdhaqaaqa Talowaadag Dr Idil Maxamuud Jamac ayaa xustay in dhaqdhaqaaqo uu qaadat talaaboyin ay ku doonayaan in lagu kala tala qaato , lana uruuriyo aragtidda dhalin yaradda iyo Haweenka Soomaaliyeed oo ay muujisay in guulo laga gaaray.

1 2 3