TOP NEWS:- Dacwaddii Minnesota oo u Gudubtay Xeerbeegtida

0

Xaakimka maxkamadda Michael Davis ayaa la dardaarmay xeerbeegtida waxana uu u sheegay inay caddaalad falaan oo ay go’aankooda ku saleeyaan caddaymaha hor yaalla.

Xeerbeegtida oo ka kooban 12 xubnood oo iskugu jira 7 haween ah iyo shan rag ah ayaan la ogayn inta ay ku qaadan doonto inay go’aan kama dambays ah ka gaadhaan dacwaddan.

Waalidka dhalinyarada ayaa sheegay inay aad uga naxsan yihiin waxa uu noqon doono go’aanka xeerbeegtida, waxayse sheegeen inay arrintoodu ku jirto gacanta ilaahay ayna wax wanaagsan rajaynayaan.

Dawladda ayaa maxkamadda keentay markhaatiyaal ay ka mid yihiin saddex qof oo ku jiro qof u shaqaynaya hay’adda FBI-da oo si sir ah codad uga duubay dhalinyaradaasi, iyo laba nin oo kale oo iyagu qirtay dambiyada lagu soo eedeeyey, waxayan ku markhaati fureen dhalinyaradaasi.

Dhinaca kale qareennada difaacaya ayaa ku dooday in dhalinyaradan dabin la geliyey oo aysan dhab ahaan u doonayn inay ku biiraan ISIS iyo inay wax dilaan.