TOP DHAGEYSO: Maareeye “Dibada ayaan u qaadeynaa dhaawacyada daran”

0

Iyadoo lasoo gaba gabeeyey weerarkii ay soo qaadeen Al-shabaab ayaa waxaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo gaaray goobta ay faah faahin ka bixiyeen qasaaraha weerarkaasi iyo sida ciidamada amaanka ay uga hortageen Al-shabaab.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ayaa gudaha Hotelka warbaahinta ugu sheegay in ciidamada amaanku ay yareeyeen qasaaraha maadaama ay ka hortageen kooxihii weerarka soo qaaday.

Wasiir Maareeye ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ku bixineyso sidii dalka dibadiisa loogu qaadi lahaa dadka dhaawacyadooda wax loogu qaban waayay Muqdisho.

Qasaaraha ka dhashay weerarka ayaa ilaa iyo hada aan si rasmi ah loo ogeyn maadaama ay jireen dad kale oo dhaawacyo qaba oo ciidanku subaxnimadii hore ee saakay ay ka soo saareen gudaha Hotelka.

Shalay ayay aheyd markii Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray Hotel Ambassador oo ku yaala wadada Makah Al-Mukarama, iyadoo ay ku dhinteen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah.

Al-shabaab oo war kooban ku soo qoray ku soo qoray baraha ay ku faafiyaan wararkooda ayaa waxa ay sheegteen Mas’uuliyada weerarka lagu qaaday Hotel Ambassador.