TOOS U DHAGEYSO:- Wararkii ugu dambeeyay Weerarka Hotelka Ambassador

0

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Hotelka Ambassador ayaa waxa ay sheegayaan in guud ahaan Hotelka ay gacanta ku dhigeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

Waqti badan oo ay qaadatay Saakay ayay suura gashay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay guud ahaan la wareegaan gacan ku heynta Hotelka inkastoo aan weli lakala cadeyn ragii hubeysnaa ee ku jiray Hotelka in la dilay iyo in ay isqarxiyeen.

Xalay ilaa iyo Saakay ayaa Hotelka gudihiisa waxaa laga maqalayay Madaafiic iyo Rasaas xoogan oo ka dhaceysay gudaha Hotelka, maadaama rag hubeysan ay ku jireen.

Hey’adaha amniga dowladda Soomaaliya ayaanan wali lagu faah faahin howlgalka iyo sida uu udhacay.

Dhinaca kale Isbitaalka Madiina ayaa lagaarsiiyay Maydadka inka 15 Qof halka uu dhaawucuna ka badanyahay 50.

Waxaa sidoo kale wariyaashii gaaray Hotelka ay sheegayaan in ciidanka ay soo bad baadiyeen dadkii ilaa iyo xalay ku go’doonsanaa Hotelka, islamarkaana iminka xaaladu ay tahay mid degan.

Al-shabaab oo war kooban ku soo qoray ku soo qoray baraha ay ku faafiyaan wararkooda ayaa waxa ay sheegteen Mas’uuliyada weerarka lagu qaaday Hotel Ambasador.

HALKAAN KA DHAGEYSO