TOOS U DHAGEYSO:- Maamulka Hiiraan oo ka qeylo dhaamiyay fatahaada wabiga

0

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar oo warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in xaafado badan oo ka tirsan Hiiraan ay ku jiraan go’doon, islamarkaana wabiga uu u geystay fatahaad culus.

Waxa uu sheegay in dadka reer Beledweyne ay ku dhibaateysan yihiin deegaanka Ceel-jaale oo ku yaala duleedka degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan loona baahan yahay in dadkaasi gar gaar lala soo gaaro.

Dadkii ku noolaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa badankood waxa ay ku sugan yihiin duleedka deegaanka Ceel-jaale halkaasi oo ay ku booqdeen wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Xaafadaha ugu badan oo ay saameynta ugu adag ku yeesheen Biyaha ka fatahaya – Webiga Shabeelle ayaa waxaa ka mid ah, Xaawo-taako, Kooshin iyo Buundo-weyn, halka xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne meelaha qaar fatahaadda saameyn ku yeelatay.

HALKAAN KA DHAGEYSO