DHAGEYSO WAREYSI XASAASI:- Dowlada Soomaaliya oo doonaysa Mashruucii Dhismaha Dekeda Garacad inay u wareejiso Hobyo

0

War deg deg ah oo hadda  laga helay magaalada Muqdisho ayaa cadeynaya in dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ay u dirtay dalka Sacuudi Careebiya wafdi deg deg ah oo uu hogaaminayey Ra’iisulwasaare kuxigeenka dawladda Faderaalka Maxamed Cumar Carte Qaalib, si loo joojiyo mashruuca dhismaha dekeda Garacad oo dhawaan la saxiixay.

Warar aan la xaqiijin karin ayaa sheegaya in wafdigaas ay waji gabax kala kulmeen dawladda Imaaraatka Carabta.

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf (Jibriil) oo la hadlayey Radio Daljir goor dhaweyd wuxuu faahfaahin ka bixiyey arrimahaas, wuxuuna cadeeyey  in loo baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto.

HALKAAN KA DHAGEYSO