DEG DEG+XASAASI:- Dibad Baxyo looga soo horjeedo Madaxweyne Shariif Xasan iyo Maamulkiisa oo ka dhacay Magaalada Marka

0

Waxaa maanta dibadbaxyo ka dhan ah Masuuliyiin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ay ka dhaceen Magaaladaasi Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Shacabkaasi dibadbaxa ka sameeyay Magaalada Marka ayaa dalbanayay in masuuliyiin Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Koofur Galbeed isugu jiray ay ka laabtaan deegaanadooda maadaama ay ku fashilmeen in ay xaliyaan xiisadahaasi Colaadeed ee salka ku haya aanooyinka Qabiil ee ka taagan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Masuuliyiinta Koofur Galbeed ee ku sugan Magaalada Marka ayaa waxaa hormuud u ah Wasiirka Dib u heshiisiinta Maamulka Koofur Galbeed.

Xubnahani ka socda Koofur Galbeed ayaa waxa ay ku howlan yihiin in ay xal ka abuuraan shaqaaqooyinka ka aloosan Gobolka Shabeelaha Hoose.

“ dibadbax ballaaran ayaa waxa uu ka socdaa Xaafadda Ayuub illaa Ceeljaalle waxaana looga soo horjeedaa Wasiirro iyo Xildhibaanno dhawaan yimid” ayuu yiri qof deegaanka ah oo Shabelle qadka Taleefanka ugu warramay.

Dadka ayaa ku dhawaaqayay in marka Koofur Galbeed Masuuliyiinteeda ay yimaadaan Gobolka Shabeelaha Hoose in dhibaatooyin ay la kulmaan.

Waxaana shacabku ay cadeeyeen In maamulka Koofur Galbeed uusan ka shaqeynin Marka iyo deegaanada ku xeeran ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa xiisad beeleedyada oo ku soo noq noqday ay geysteen dhibaatooyin  intooda badan gaaray Shacabka Gobolkaasi.