DEG DEG:- Xukuumada Soomaaliya oo ka hadashay inay Saxiixday Heshiis lagu celinaayo Soomaalida Norway

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa wax kama-jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in heshiis lagu celinayo qaxooti Soomaaliyeed uu kula saxiixday magaalada Oslo dawladda dalka Norway oo dhowaan uu shir uga qayb-galay.

Cabdi Salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in socdaaliisa Norway uu ku qotomay oo kaliya ka qeybgalka shir halkaasi uga furmay masuuliyiinta in kabadan 12 dalka.

Waxa uu sheegay in shirarka uu la yeeshay Masuuliyiinta Norway ay la xiriirtay oo kaliya xoojinta xiriirka labda dalka balse eysan jirin wax wadahal ah oo la xiriirta dib ucelinta Kumanaan soomaalida ee qaxootiga ku ah dalkaasi Norway.

Sidoo kale isla oslo oo ah Xarunta dalka Norway waxaa isna gaaray taliyahya hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya waxaa jira warar sheegaya in General Gaafoow uu isna qeyb ka yahay dadaalada lagu doonayo in lagu soo celiyo soomalaida qaxootiga ku ah dalkaasi Norway.

Wasiir hadliye ayaa dhinaca kale meesha ka saaray iney iska warqabeen safarka Taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya.

Dowlada Norway oo Bartamihii bishii ina dhaaftay ee May ka hadashay qorshaha dib ucelinta qaxootiga soomaalida ee dalkaasi kusugan ayey ku sheegtay in gudi ay usaartay qiimeynta xaaladaha dhinaca amni ee soomalaiya,Gudigaas oo warbixintoodi uhoreysay Gudbiyay waxey ku sheegeen amniga soomaaliya haatan uu umuuqdo mid la isku haleyn karo.