War aan Wanaagsaneyn oo laga soo sheegayo Dalka Faransiiska

0

Shaqaalaha tareenada dalka Faransiiska ayaa ku biiray shaqo joojinta curyaamisay isu socodka gaadiidka ee dalkaasi.

Ururada shaqaalaha ayaa sheegaya in shaqo joojinta shaqaalaha tareenada ay dhibaato ku noqon doonto isu socodka dadka inkastoo tareenada dheereeya aysan saameyn weyn ku yeelan doonin.

Ururada shaqaalaha ayaa ka cabanaya dowladda oo isbadallo ku sameysay xeerka shaqaalaha dalkaasi.

Dhammaadka usbuucan ayaa la filayaa in shaqaalaha haga diyaaradaha ay iyagana ku biiraan shaqo joojinta dalkaasi ka socota muddada usbuucyada ah.

Dowladda Faransiiska ayaa waxaa saaran cadaadis xooggan oo lagu doonayo in ay xal u raadiso dhibaatadani ka hor billowga tartanka kubadda cabta ee Euro 2016 oo la filaya in Faransiiska uu ka billowdo dhammaadka bishan.