DHAGEYSO:- Somaliland oo ka hartay tartanka Koobka Kubadda Cagta Adduunka ee Dunida aan la aqoonsaneyn!

0

Maamulka Somaliland ayaa ka haray tartanka Koobka Kubadda Cagta Adduunka ee Dunida aan la aqoonsaneyn kaas oo ka socda Gobolka Abkhazia ee Dalka Georgia.

Somaliland waxaa tartanka ka reebtay Punjab,waxaana ay ku dhufatay 5-0,waxaana ay sidaas ugu soo gudubtay Punjab qeybaha kale ee Tartanka Conifa,ee ka socda Abkhazia.

Tartanka waxaa waxaa ka qeyb gelaya 12 Gobol oo aan l;aga aqoonsaneyn Dunida,waxaana ay doonayaan madaxbanaani ay ka helaan Waddamada ay sheeganayaan in ay ka go’een.

Amar Purewal,ayaa Saddexley ka dhaliyay Somaliland,waxaana Goolasha kale ka dhaliyay Xiddigga Arjun,waxaana ay sidaa ugu soo baxeen Tartanka qeybihiisa kale.

Panjab,waxaa ay gaartay guushii Labaad,waxaana ay todobaadkii hore 1-0 uga badisay Sapmi ,Axaddii la soo dhaafay.,waxaana Goolka Guusha u dhaliyay Gurjit Singh.

W/D:Adam Ibrahim Farah “Showqi”

Hoos ka Dhageyso Codka:-