DHAGEYSO:- Ujeedka Safarka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee Magaalada Nairobi oo la ogaaday

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo gaaray Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa faah faahin ka bixiyay safarka uu ku jooga Magaaladaasi.

Shariif Sheekh Axmed oo Warbaahinta la hadlay Markii uu gaaray Magaalada Nairbi waxa uu ka hadlay socdaalkiisa iyo waxa uu ku qotomo balse safarkiisa ayaan la ogeyn ujeedkeeda magaalada Nairobi.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed aya la filaya in Kenya uu ugu soo gudbo Magaalada Muqdisho ee Dalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka dhacdo doorashada madaxtinimada dalka dhowr bilood kadib; iyada oo ay socoto qaban-qaabada la xiriirta arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa magaalada Muqdisho waxaa ugu danbeysay markii talada dalka looga guuleystay kadib doorashadii dhacday sanadkii 2012-ka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-