DHAGEYSO:- Hay’ada Nabad Sugida Soomaaliya oo sheegtay iney dishay Madaxii Jabhadaha iyo Amniyaadka Al-Shabaab

0

Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa sheegtay in ay dishay Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kaasi oo lagu dilay howlgal ka dhacay deegaanka Kuunya-Barow oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan NISA, ayaa sheegay howlgalka lagu dilay Sarkaalkaan inay ka qayb qaateen Saaxiibada taageera dowladda Soomaaliya ee dhanka Millateriga.

Sarkaalka NISA ay sheegatay in la dilay, ayaa darajadiisa waxaa lagu sheegay Madaxii Qaybaha Jabhadaha iyo Amniyaadka ee Al-shabaab, kaasi oo markii hore la baxay Suheyb balse magaciisa dhabta ah uu yahay Daauud.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha C/kaamil Macalin Shugri ayaa sheegay in ay jirto arinta la xiriirta dilka Sarkaalkaasi loo geystay oo ciidamada Nabad Suggida ay fuliyeen.

Afhayeenka oo aanan bixin faah-faahin badan oo ku aadan qaabka howlgalka uu u dhacay ayaa sheegay in uu Saxaafadda la hadli doono oo macluumaad dheeraad ah ka bixin doono qaabka uu u dhacay dilka Sarkaalkaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-