WAR DEG DEG:- Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab oo dilay Odayaal ay kala baxeen Guryahooda

0

Kooxo hubeysan oo ka tirsan Maleshiyada Al-Shabab ayaa degaan la yiraahdo Kawala ku dilay Sadex ruux oo dawlada Kenya ku sheegtay inay Odayaal dhaqameed ahaayeen.

Wararku waxay sheegayaan in koox hubeysan oo wajiyadu u qarsanaayeen oo tagay degaanka oo xeebta ku yaala ay odayaasha kala baxeen guryahooda waxaana ay ku dileen meel bartamaha magaalada ah sida ay qorayso warbaahinta Kenya.

Gudoomiyaha magaalada falkaani ka dhacay Juma Mwanyota, ayaa u sheegtay warbaahinta in kooxda dilka geysatay ay in muddo ah haysteen magaalada waxaana ay dadka degaanka qaarkood ay sheegeen in Sadexda ruux ee la dilay lagu eedeeyay inay xogaha shaqsiyaadka la tuhmo u gudbin jireen hay’adaha amaanka dalka Kenya gaar ahaan sirdoonka.

Dadka degaan xebeedkaan lagu dilay waxaa ku jiray Shiikh lagu magacaabi jiray Sh, Xasan Mwasanite sida uu sheegay gudoomiyahaan degaanka.

Taliyaha booliska Kwala Joseph Omija aya asna sheegay inay xog ku heleen in kooxda odoyaal dhaqameedka dilay ay ka tirsan yihiin Xarakadda Al-Shabab oo ay dhawaan kja gudbeen xadka Soomaaliya iyo Kenya sida uu yiri mar uu la hadlayay wakaaladda wararka Reuters.

Dagaalamayaasha Al-Shabab si joogto ah ayay Kenya u weeraraan marka ay doonaan waxaana ay ka geystaan dilal iyo qaraxyo.