WAR DEG DEG AH: Beesha Caalamka oo goor dhaw soo saareysa Go’aamo xasaasi ah!! Wax ka ogow

0

Warbaahinta ayaa ogaatey in ay xalay shir gaar ah yeesheen wakiilada caalamiga ah ee kusugan gudaha caasumada Soomaaliya, ayna isku raaceen Jadwalka aan ka hadal laheyn oo lagu galayo doorashada Soomaaliya ka dhacaysa sannadkan gudihiisa.

Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating oo shalay la hadleyey Hoggaamiyaasha Soomaalida ayaa u sheegay in waqtigu uu yahay gabaabsi, taas awgeedna haddii ay go’aan gaari waayaan saacadaha dhaw ay Beesha Caalamku masuuliyada la wareegi doonto.

Sidaas oo kale Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya wuxuu si cad ugu hanjabey in awooda & taladaba ay yeelan doonaan wakiilada Caalamiga ah, ilaa laga gaarayo doorashada dhaw ee Soomaaliya.

Hanjabaadahan ka sokow, saaka ayaa lafilayaa in lasoo bandhigo maalmaha ay dhacayaan doorashooyinka iyo sidda ay u soo kala horeynayaan, waxaana hadda socda shir gaar ah oo Wakiiladu ku leeyihiin xaruntooda Xalane.

Shir deg deg ah ayaa u hadda u soda Madaxda dawladda Soomaaliya & Hogaamiyaasha dawlad gobaleedyada, lamana filayo in horumar laga gaaro marka laga hadlayo dhinaca wax qeybsiga, iyadoo dooda ugu badan ay hadda ka taaga tahay arrinta gobalka Banaadir.

Haddii ay beesha Caalamku soo saaro Jadwalka doorashada, waxaan cidna shaki ka saarneyn in ay fashilmeen Hoggaamiyaasha Soomaalida, oo sadex maalmod waxba xal ah ka gaari waayey arimaha ku saabsan wax qeybsiga & Jadwalka doorashada oo sax ah.