MAXAA LAGU TILMAAMI KARAA HOGAAMINTA XASAN SHEEKH EE SII DHAMAANEYSA?

0

Inta aanan qormadeyda bilaabin aan marka hore canbaareeyo waxan loogu yeero Beesha Caalamka ee faraha kula jira arimaha gudaha ee dalkeenna Soomaaliya, Kuwaasi oo dhawaan taageero u muujiyey talaabadii sharcidarada ahayd ee uu qaaday faashilka weyn ee hogaamiya Dowladda Federaalka ninka lagu magacaabo Xasan Sheekh. Waxa ayna talaabada Beesha Caalamku marqaati u tahay sida aysan daacad ugu ahayn arimaha murugsan ee Soomaaliya.

Talaabadani, Ayaa waxa ay runtii ka caraysiisay dad badan oo Soomaali ah oo aan Aniguba ku jiro, Kuwaasi oo u haystay in dowrka Beesha Caalamka ee Soomaaliya uu yahay mid wax dhisayo, Islamarkaana kaabayo dadaalada ay wadaan dadka Soomaalida ah oo u runtii hamuunqaba hilitaanka dowlad Soomaaliyeed u hogaansan ku dhaqanka sharciga, balse talaabadii la qaaday ayaa ka dhigtay niyad-wanaaggii ay Soomaalidu u haysay Beesha Caalamka mid meesha ka baxa.

Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadayda oo aan maanta cinwaan uga dhigay: Maxaa lagu tilmaami karaa hogaaminta Xasan Sheekh ee sii dhamaaneysa ? Anigoo ka jawaabayo su’aashaasi qiimaha badan, Waxa ay ila tahay runtii in hogaamintiisu lagu timaami karo mid ba’day oo ay ka buuxdo wax walbo oo dhiba qof bini’aadam ah oo uu caqligiisu shaqeynayo, inkasta oo aan faahfaahin doonnto waxa aan sidaasi u leenahay.

Xasan Sheekh, Ayaa dhowr sano ka hor waxaa loo dhiibay dowlad federaali ah oo sidata dastuur tilmaamayo wax kasta oo laga doonayo in ay dowladdaasi qabato iyo waliba mudada la doonayo in lagu qabto. Waxa uu sidoo kale, dastuurkaasi tilmaamayaa awoodaha Madaxweynaha iyo waliba qeybaha kale ee ay Dowladdu ka kooban tahay sida qeybta Sharci-dajinta oo kale, Taasi oo dadku ay u yaqaanaan baarlamaan.

Halkii ay ahayd in Xasan Sheekh uu u qabto hawlihii loo dhiibay sida uu dastuurku tilmaamayo, Isagoo waliba fulinayo dhaartii uu ku dhaartay magaca Alle in uu wax walba u qaban doono sidii loogu talagalay, Ayaa waxaa dhacday runtii wax aan la fileynin. Taasi oo xaqiiqdii ka caraysiisay dad badan oo Soomaali ah oo taageersanaa Dowladda Federaalka iyo waliba maamul goboleedyada ku lamaanan ee ay Itoobiya wax ka soo dhistay. Kuwaasi oo ilaa maanta ku wareersan sida uu wax u wado iyo waliba meesha u socdo. (niman talin Jirin haddii uu taliyo waxan halaabi jirin baa halaabo)

Waxaa dhacday in uu sameeyey waxyaabo badan oo sharcidarro ah oo aanan hal qormo lagu soo koobi karin. Waxa uu taageeray dhismaha maamul goboleedyo sharcidarro ah sida Galmudug oo kale. Waxa uu si joogto ah ugu takrifalay awooddi madaxweyne, Isagoo ku kacay waxyaabo badan oo uusan xaq u lahayn sida tii uu dhowr casho ka hor ku dhaqaaqay oo kale, ka dib markii uu xeer madaxweyne ku ansixiyey qodobadii ay soo saartay wixii uu ku sheegay Madasha Wadatashiga Qaran ee la xariiray arimaha doorashada 2016.
Xasan, Waxa uu kala xigsaday goboladii Wadanka, Isagoo gobollo qaar siiyey ama u fududeeyey xaq aysan lahayn, halka uu kuwa kalena duudsiiyey xaqii ay ku lahaayeen Dowladda Dhexe iyo waliba wixii uu Caalamka keenay sida gobolada Gedo, Bakool, Sh/Hoose, Juba Dhexe, Hiiraan, Galgaduud, Sool, Sanaag iyo waliba gobolka Awdal. Walaalayaal, Wali ma maqasheen wax mashruuc ah oo laga fuliyey goboladaasi ? Mase la siiyey goboladaasi qeybtii ay ku lahaayeen deeqaha ka yimaada dalalka caawiya Soomaaliya sida Turkiga oo kale. Ma ii sheegi kartaan hal mashruuc oo laga fuliyey gobolka Gedo tan iyo markii la doortay Xasan Sheekh ?
Waxa uu sidoo kale kala xigsaday beelihii Soomaaliyeed ee uu Madaxweynaha u ahaa, Isagoo qaar siiyey xaq aysan lahayn, halka uu kuwa kalena duudsiiyey xaqoodii sida beelaha Mariixaan, Dhulbahante, Gudabiirse, Warsangeli, Leelkase, Xawaadle, Muransade, Gaaljecel, Reer Xamar, Jareerweyn iyo waliba kuwa kale oo badan. Ma la socotaan in Xasan Sheekh uu dhabarka ka wareemay beelo Soomaaliyeed oo u taagnaa midnimada iyo wadajirka dalka sida Gudabiirse, Dhulbahante iyo Warsangeli oo kale ?

Waxa uu hoos u dhigay dowrkii Dowladda Federaalka ka saarnaa midnimada iyo madaxbanaanida dalka, Isagoo dhinaca kalena go-head siiyey maamul goboleedyada kala ah Soomaaliland, Buntland, K/Galbeed, Jubaland iyo waliba maamulka Galmudug, halka uu dhinaca kalena taladii dalka u gacan geliyey shisheeye ay ka mid tahay Itoobiya oo aad og tihiin taariikhda na dhextaallo ? Ma la socotaan in dadka Soomaaliyeed maanta aysan dowr weyn ku lahayn arimaha ka socda dalkooda because of Xasan Sheekh ?

Dhanka kale, Waxaa uu ka gaabiyey in uu ka dhabeeyo lixdii tiir ee uu balanqaaday xiligii la dooranayey 2012, Kuwaasi oo qodob ka mid ahi uu taabanayey arimaha amniga iyo la dagaalanka Xarakada Al-shabab, Isagoona balanqaaday in uu Al-shabab ka saari doono Soomaaliya gaar ahaan marka la gaaro sanadka 2016. Taasi oo runtii noqotay balanqaad aan marna dhaboobin. Mase la socotaan in Al-shabab maanta ay khibrad badan tahay sidii ay ahayd dhowr sano ka hor, Islamarkaanna ay ka taageero badan tahay because of Xasan Sheekh ?
Ma la socotaan, In Xasan Sheekh uu niyadjibiyey malaayiin Soomaali ah oo rajo badan ka qabtay in ay si fiican u shaqeyso Dowladda Federaalka ee uu Isagu Madaxweynaha ka yahay? Mase og tihiin in dad badani ay maanta naceen dowladnimada maadaama ay noqotay goob ay isugu yimaadaan dadka xun xun ee dhaca xoolaha dadka ka dhaxeeya iyo waliba kuwa loogu deeqo dad masaakiinta ah ? Ma ka warqabtaan in Soomaaliya maanta ay noqotay mashruuc ay ku qaraabtan waxan lagu sheego hay’adaha gaarka because of siyaasi iyo aqoonyahan !!
Marka aan isku daro qodobadii aan soo sheegay iyo waliba kuwa kale oo aanan xusin, Waxa ay ka dhigayaan qodobadaasi hogaaminta Xasan Sheekh ee sii dhamaanaysa mid daciif ah oo ay ka buuxdo cadaaladdarro, dulmi baahsan, jileec, musuqmaasuq, hogaamin-xumo, karti-xumo, diin-xumo, talo-xumo, sharci-ku-tumasho, hoosaasin, iyo waliba u adeegid cadow. Waana sababtaasi sababta loo nacay dowladdan fadhiidka ah ee uu madaxweynaha ka yahay.

Sababaha aannu soo sheegay waa kuwa ku qasbay dhalinyaro badan in ay ka cararaan dalkooda, Iyaga oo waayey wax rajo ah oo u soo muuqda ? Sidee walaalayaal, qof bini’aadam ah u noolaanayaa rajo la’aan, Iyadoo kuwa ka danbeeyana ay yihiin kuwa aad aragteen ee had iyo jeer taagan caasimaddii laga burburiyey dalkeenna ? Ma jirtaa nusuus diini oo noo ogolaaneysa inaan kuwa (siyaasiyinta Soomaalida) salaadaha ku habaarno ama aan wadooyinka ku lacnadno ilneen noolali waa ay noo diideene ?
Anigu, Markan qiimeyn ku sameeyey dadka Soomaalida iyo waliba taariikhihii ay soo mareen, Waxaa runtii ii soo baxday in dadka kaliya ee badbaadin kara Umaddan Soomaaliyeed ay yihiin dad ixtiraam u hayo muqadasaadkeeda haddii ay ahaan lahayd diin, dhaqan, luuqad iyo haddii ay ahaan lahayd midnimadeeda dhuleed iyo mideeda dadeed. Haddii la waayona, Waxaan shaki iiga jirin in ay mari doonaan meeshii ay mareen umado badan oo waa mid ahaa.

Markan hadalka soo uruuriyo, Hogaaminta Xasan Sheekh ee Dowladda Federaalka waa mid ba’day oo runtii waqti-lumis ah. Waana sababtaasi sababta ay u Dowladdiisa ugu fashilantay howlihii laga sugaayey. Waana sababtaasi sababta ay Shisheeyuhu u qaateen dowrki ay lahaayeen dadka Soomaalida ah ee dalka iska leh. Maxaa dhacayo walaalayaal haddii umadi ay hogaan u qabtaan juhalo aan aqoonba u lahayn dowladnimo iyo dhaqankeeda ? Maxaase la filanayaa marka uu jaajuus hogaan noqdo ?
Gabogabadii iyo gunaanudkii, Waxaan soo jeedinayaa talooyin dhowr ah oo aan isleeyahay, Waxa ay xal u yihiin dalkan beylahda ah ee ay isku soo bahaysteen NGO-leyda isugu jirta Soomaalida iyo ajaanibta. Waxaana talooyinkaasi ka mid ah kuwa soo socda oo aan rajaynayo in la qaadan doono:
1- In laga horyimaado sharcidarada uu Xasan Sheekh la wareegayo si ay cashar ugu noqoto kuwa kale ee imaan doono.

2- Inaan dib danbe Isaga loo dooran, maadaama la arkay waxtarkiisa iyo heerka ay gaarsiisan tahay Soomaalinimadiisa.

3- In Xasan maxkamad la soo taago marka uu xilkiisu dhamaado si looga jaa’iseeyo dunuubtii uu dalka ka galay.

4- Inaan la aaminin qof kasta oo Soomaali ah, gaar ahaan kuwa qurba-joogta ah xitta haddii ay garar leeyihiin

5-Inaan shisheeye loo dhiibin talada iyo masiirka dalka maadaama aan isku dan la ahayn.

W/Q: Maxamed Ibrahim (RAGOW)
Ragow1960@hotmail.com