DEG DEG+DHAGEYSO:- Ilaalada Madaxweyne Erdogan oo ku soo wajahan Muqdisho

0

Sida laga soo xiganayo saraakil ka tirsan dowladda Turkiga waxaa maanta lagu wadaa in ay maagaalada Muqdisho soo gaaraan ilaalada madaxweynaha dowladda Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Wafdiga maanta lagu wado in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay hor u dhac u yihiin madexweynaha Turkiga oo lagu wado in uu Soo gaaro dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa waxaa la fillayaa in maalinta Jimcaha ah uu booqasho ku yimaado Magaalada Muqdisho, iyadoona ay Dowladda Somaliya diyaargarow ugu jirto soo dhawayntiisa.

Madaxweynaha, ayaa waxaa lagu wadaa in uu xariga ka jaro Safaaradda Turkiga uu ka dhistay Magaalada Muqdisho, taasoo lagu sheegay midda ugu casrisan ee Turkigu uu ku leeyahay Qaaradda Afrika.

HALKAAN KA DHAGEYSO