DEG DEG:- Askar ku geeriyootay dab ka kacay goob rasaaasta lagu keeydiyo oo ku taala dalka Hindiya

0

Xarun rasaasta lagu keeydiyo oo ku taala galbeedka gobolka Maharashtra, ayaa waxaa ka kacay dab baaxaddiisu aay aad ublaanthay , sida saraakiil ka tirsan militariga hindia aay ku sheegeen bbcda 17 katirsan askarta millitariga hindiya  ayaa ku dhintay halka 19 kalena aay ku dhaawacmeen,

Dadkii kunoolaa xaafadaha ka agdhow goobta uu dabku kakacay ayaa laga daadgureeyay xaafadohooddii iyadoo laga fogaanayo in dabku uu kufaafo xaafadaha aay dadkaasi dagan yihiin.

Sidoo kale saraakiisha dabdamiska ayaa ku hoowlan daminta dabkan, waxaana lasheegayaa in gubashada goobaha rasaasta lagu keeydiyo  ee wadanka hindiya ay soo badaneeysay sanadihii lasoo dhaafay.

Sanadihii 2007 dii iyo 2010kii ayay ahayd markii sidaan oo kale dab qasaare badan dhaliyay uu kakacay goobo rasaasta lagu keeydiyo oo kuyaala wadanka hindiya.