Dagaal Xoogan oo ka dhacay Magaalada Falluuja

0

Ciidamada dawladda Ciraaq ayaa qaaday weerarro kale oo xoogan oo qayb ka ah ololaha billowday usbuuc ka hor, kaa oo lagu doonayo in kooxda la magac baxday Khilaafada Islaamka looga saaro magaalada Faluuja oo qiyaastii 50 km dhanka galbeed ka xigta magaalada Baqdaad.

Ciidamadani oo taageera ka helaya duqeymaha xulufada uu mareykanka hor muudka ka yahay, ayaa lagu soo waramayaa in ay ku sii siqayaan magaaladaasi oo gacanta ugu jirtay kooxda Khilaafada Islaamka tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii 2014-kii.

Waxaana hadda walaac laga muujinayaa xaaladda kummanaan qof oo rayid ah oo la rumeysan yahay in ay ku go’doonsan yihiin bartamaha magaaladaasi.

Iyada oo ciidammadu ay ku sii siqayaan Falluja bambooyin badan oo gudaha iyo dibadda magaalada ka dhacay ayaa dilay ugu yaraan labaatan ruux.

Dagaalyahanada kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa difaac ka dhiganaya qaraxyo iyo gawaadhi lagu rakibay waxyaabaha qarxa.