TOP: Xildhibaan dowladda dhexe ku eedeeyey inay ka gaabisay doorkii dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh. Dhexe

0

Xil-dhibaan katirsan barlamaanka Soomaaliya ayaa dowladda ku eedeeyey inay ka gaabisay dhaqan-gelinta heshiiskii laga gaaray mooshinka laga keenay shirka Jowhar.

Maxamud Maxamed Goodir, oo kamid ah mudanayaasha golaha shacbiga ee kasoo jeeda goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa dowladda ku dhaliilay inay ka gaabisay kaalintii ay ku laheyd fududeynta dhismaha maamulka loo sameynayo labadaas gobal.

In-kasta oo golaha shacbigu shaaciyay in muddo 45-cisho ah lagu soo gabagabeynayo dhismaha maamulka goboleedka Hiiraan iyo Sh. Dhexe, Goodir wuxuu sheegay inaysan muuqan sansaan muujinaysa inuu xilligaas ku qabsoomo maadaama aysan jirin, sida uu yiri, doorkii laga rabay dowladda dhexe.

Waxa uu sidoo kale odayaasha shirka ku eedeeyey inaysan u guntan doorkii ay lahaayeen.