Taliyaha Cusub ee Booliska Puntland oo sheegay in ammaanka deegaanada maamulkaas Isbedel lagu sameynayo

0

Taliyaha Cusub Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Puntland Cabdiqaadir Faarax Shire ( Ereg) ayaa sheegay in isbedel ay ku sameynayaan howlgallada Ciidamada Booliska ee deegaanada maamulka Puntland.

Cabdiqaadir Ereg ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in ay dhowraan Ciidamada Booliska xuquuqda shacabka ay masuulka ka yihiin nabad gelyadooda.

Waxa uu ka dalbaday Taliyuhu Wasaaradaha ay wada shaqeynta kala dhexeyso Booliska Puntland in dhinacooda ay dar dar geliyaan kaalinta laga rabo si loogu guuleysto ammaanka deegaanada Puntland.

Wasaaradaha ay wada shaqeynta ka rabaan Booliska Puntland ayuu carabaabay in ay ka mid yihiin Wasaaradda Amniga, Arrimaha Gudaha iyo xubno kale oo ka tirsan hay’adaha kala duwan ee maamulkaasi Puntland.

Shalay ayey ahayd markii si rasmi ah uu xilka ula wareegay Taliyaha Cusub ee Booliska maamulka Puntland Cabdiqaadir Faarax Shire ( Ereg)