DHAGEYSo: Col. Maxamed Kaariye Caraale” Waa been uma xirni Ciidamada AMISOM

0

Taliyihii ciidamada Milateriga ee Gobolka Galgaduud Col. Maxamed Kaariye Caraale (Dhega-Dheere) oo lahadlay Warbaahinta waxa uu beeniyay warar ay baahinayeen warbaahinada magaalada muqdisho kaa oo ku aadan in Col. Maxamed Kaariye Caraale uu uxiranyahay ciidamada itoobiya Taliyihii ciidamada Milateriga ee Gobolka Galgaduud Col. Maxamed Kaariye Caraale (Dhega-Dheere) ayaa waxa uu sheegay inuu san jirin wararka sidoo kale sheegaya inuu ku lugleeyahay Sarkaal lagu dilay degmada Ceelbuur, kaasoo ka soo goostay Al-Shabaab.

Waxa uu taliyihii ciidamada Milateriga ee Gobolka Galgaduud Col. Maxamed Kaariye Caraale (Dhega-Dheere) waxa uu tilmaamay inuu haatan ku sugan yahay magaalada baledweyne ee gobolka hiiraan.

Dambi walba oo laigu soo eedeyo waxaan diyaar u ahay inaan iska difaaco ayuu kusiidaray hadalkiisa.

Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay inuu muddooyinkan ku howlanaa baaritaanka dilka loo geystay Sarkaalka isku soo dhiibay ciidamada ee ka soo goostay Al-Shabaab.