WAR DEG DEG:- Mas’uuliyiintii Maamulka Buurdhuubo oo Qarax lagu dhawacay

0

Wararka ka imaanaya Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Qarax lala beegsaday lagu dhaawacay inta badan Maamulkii Degmadaasi Buurdhuubo.

Guddoomiyihii Degmada,Guddoomiye Kuxigeenkii iyo Madaxii Maaliyadda iyo sidoo kale Askar u aheyd Ilaalo Mas’uuliyiinta ayaa ku dhaawacmay Qarax Miino oo lagu Aasay dhulka.

Saraakiil Ciidan oo ka tiraan Maamulka Degmada Buurdhuubo ayaa Xaqiijiyay in Madaxdii Maamulka ay ku dhaawacmeen Qaraxaasi,waxaana ay sidoo kale sheegeen in ay jirto Dhimasho inkastoo aan Cadada la sheegin.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Mas’uuliyiinta la Qarxiyay ay Shirsanayeen Xiliga Qaraxa loo dhigay.