TOP:- Waxgarad iyo Odayaal codsaday in Ergo loo diro magaalada Beledweyne

0

Waxaa maanta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan kulan ku yeeshay Waxgarad iyo Odayaal, waxaana ay ku baaqeen in Ergo loo soo diro magaalada Beledweyne si ay xal ugu helaan colaada Beledweyne ka taagan.

Odayaasha ayaa sheegay in kulankooda xoogga ku saareen sidii xal kama dambeys ah looga gaari lahaa dagaalada Beledwqeyne.

Waxgaradka kulmay ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaadda gobolka ka socota, waxaana ay codsadeen in Ugaasyada ku maqan shirka Jowhar ay si deg deg ugu soo laabtaan magaalada Beledweyne si xal loogu helo dagaalada ku soo noq noqda Beledweyne.

Dadka reer Beledweyne ayaa isugu darsamay colaad iyo fatahaada wabiga, waxaana heerka uu gaaray fatahaada wabiga Shabeelle uu yahay mid aan horay loo arkin.