TOOS U DAAWO: Shirka Madasha Wadatashiga Isimadda Dhaqanka Soomaaliyeed oo Hadda Khudbado laga jeedinayo

0

Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse oo dhigey Gogosha Madasha Wadatashiga Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u daah-furey shirkan, wuxuuna ka sheegay in uu yahay shirkan mid Ummadda Soomaaliyeed oo dhan ay u siman yihiin.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas ayaa si rasmi ah u furay Shirka Madasha Wadatashiga Dhaqanka ee Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu wuxuu u mahad celiyey Isimadda soo gaaray Puntland, wuxuu sheegay in shirkan yahay mid Isimada oo kaliya ay leeyihiin.

Madaxweynuhu wuxuu cadeeyey in shirkan uu yahay mid aysan dawlad qaban-qaabin, Shisheeye-na aysan gacan ku laheyn, balse uu yahay mid ay leeyihiin Isimadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Gaas wuxuu sheegay in shirkan uu yimid waqti rasmi ah oo uyahay Soomaaliya, maadaama waqtigan lagu jiro xaalad kala guur ah.