TOOS QARDHO:- Madaxweynaha Puntland oo khudbad ka jeedinaya Shirka Qardho

0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas ayaa hadda si rasmi ah u furaya Shirka Madasha Wadatashiga Dhaqanka ee Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu wuxuu u mahad celiyey Isimadda soo gaaray Puntland, wuxuu sheegay in shirkan yahay mid Isimada oo kaliya ay leeyihiin.

Madaxweynuhu wuxuu cadeeyey in shirkan uu yahay mid aysan dawlad qaban-qaabin, Shisheeye-na aysan gacan ku laheyn, balse uu yahay mid ay leeyihiin Isimadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Gaas wuxuu sheegay in shirkan uu yimid waqti rasmi ah oo uyahay Soomaaliya, maadaama waqtigan lagu jiro xaalad kala guur ah.

In ay Isimaddu noqdaan kuwa kaliya ee isku keena Soomaalida kala Irdhawda, ayuu sheegay in ay lama huraan tahay in qeybtaas aan cidna u tilmaameyn waxgaradka Soomaaliyeed.

Dhibaatada Soomaaliya iyo waxyaabaha keenay ayuu Madaxweynuhu diirada saaray, wuxuuna sheegay in shirkan laga filayo qodobo dhayaya dhibkii soo gaaray Soomaaliya.