AKHRISO:- War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo loogu hadlay kulankii uu Madaxweynaha iyo dhalinyarada Muqdisho

0

Kulanka oo ciwaan looga dhigay doorka dhalinyarada ee dhismaha qaran, waxaa soo abaabulay madasha aragtida aqoonyahanka nool ee Maan, waxaana loogu talo galay in dhalinyaradu su,aalo ay ku weydiiyaan madaxweynaha dalka mudane Xasan Sheakh Maxamuud oo ka qeyb galay madasha.

Mudane Xasan Sheakh Maxamuud madaxweynaha dalka oo ka jawaabayey su,aal la xiriirtay waxa dowladiisu ay u qabatay dhalinyarada, marka loo eego dhinacyada waxbarashada iyo shaqo abuurka waxa uu sheegay madaxweynuhu in la abuuray fursad waxbarasho oo dhalinyaro badan ay ka faaiideysteen, iyada oo waliba caqabado badani ay jireen.

“Waxaa jiray caqabado lkn  dowladu uma istaagin, waxan abuurnay fursado waxbarasho oo ay ka faaiideysteen dhalinyarada aan nasiibka u yeelan hore in ay wax u bartaan”ayuu yiri madaxweynaha.

Waxaa madaxweynuhu uu sheegay in caalamka ay kala hadleen in shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarad, sidaasi oo kale madaxweynuhu waxa uu muujiyey in dowladu ay u taagan tahay in fursado loo siman yahay ay helaan dhalinyarada

Dowladiisa ayuu madaxweynuhu ku sheegay in ay tahay mida dhalinyarada ugu badan ay fursado ka heleen maadaama xilal muhiim ah ay ka hayaan.

“Dowladaan dhalinyarada ugu badan ayaa ku jira waxey hayaan xilal muhiim ah, tusaale ahaan wasiirka dhalinyarada, wasiirka arimaha gudaha, agaasimeyaal badan”ayuu yiri madaxweynaha dalka.

Dhalinyarada ayaa sidoo kale madaxweynaha weydiiyey in marka loo eego dhinaca shaqada aaney u sineyn dowlada dhalinyarada ka yimid dalka dibadiisa iyo kuwa gudaha jooga, hase yeeshee waxaa madaxweynuhu sheegay in dowlada ay u siman yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed.

Waxaa uu muujiyey kaalinta dhalinyara ku nool dalka dibadiisa ay ku leeyihiin in ay tahriibaan kuwa gudaha oo ku sheegay in ay sii sahleyso baraha bulshada oo dhalinta dibada ay ku muujiyaan nolol aan jirin oo aan ka turjumeynin mida ay ku noolyihiin.

Dhalinyarada ku xiran dalalka caalamka ee qaarkood loo heysto falalka burcad badeednimo ayuu madaxweynaha dalka sheegay in dowladu ay ku dadaaleyso in lasii daayo.

“India hada waxaa ku jira dhalinyaro badan oo burcad badeednimo lee heysto. Wan kala hadalnay dowlada India weyna naga aqbashay in loo fududeeyo dhalinyaradaas”

Ugu dambeyn waxaa madaxweynuhu uu soo hadal qaaday dhibaatada Khaadka, waxaana uu sheegay in marka hore la yareynayo kadibna la joojinayo sida uu sheegay madaxweynuhu.

W/D:-Muxudiin MMC