Madaxweynaha Kenya iyo QM oo ka hadlaya xeritaanka Xeryaha Dhadhaab

0

Madaxweynaha Dowladda Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa maanta lagu wadaa in Xubno ka socda Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uu kula kulmo Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

Madaxweyne Kenyatta iyo 15-ka Xubnood ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxey ka wada hadli doonaan xeritaanka Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab iyo xaalada guud ee Dalka Soomaaliya.

Wada hadalkan u dhaxeeya Mr. Uhuru Kenyatta iyo 15-kan Xubnood ayaa dabab socda baaqii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, kaasi oo ahaa in Kenya aysan xerin Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab.

Kenya ayaa ku celcelisay in xaalad amaan ay xireyso Xeryaha Dhadhaab maadaama Madaxda Dalka Kenya ay sheegeen in Dagaal yahanada Al Shabaab ay isku dhex qariyaan Qaxootiga.

Dhinaca kale, kulanka Magaalada Nairobi ay maanta ku yeelan doonaan Madaxweyne Kenyatta iyo Xubanaha Golaha Amaanka ee QM ayaa sidoo kale waxaa looga hadli doonaa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Maalin ka hor ayee aheyd markii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon uu ka dalbaday Madaxweyne Uhuru Kenyatta in uusan ku fududaan xeritaanka Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab.