DHAGEYSO:- Xuska 18 May oo Maanta loogu dabaal dagayo deegaanada Maamulka Somaliland

0

Magaalooyinka Somaliland ayaa lagu daadiyay ciidamo fara badan, kuwaasi oo bilaabay hawlgallo lagu xoojinayo ammaanka isla markaana baaritaano ka wada goobaha ganacsiga iyo meelaha ay dadku badan yihiin.

Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo goobaha ay dadka ku badan yihiin ayaa si aad ah loo soo dhoobay ciidamo fara badan, waxaana guud ahaan gobolada Somaliland ka socota Munaasabad ay ugu dabaal dagayaan 18-ka May oo ah Markii Somaliland ay sheegtay in Soomaaliya inteeda kale ay ka Go’day.

Taliyeyaasha ciidamada Somaliland ayaa amar ku bixiyay in la adkeeyo ammaanka goobaha ay ka dhacayaan dabaaldegyada munaasabadda loogu dabaal degayo 18-ka May oo ah markii ay Somaliland ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Waddooyinka waaweyn ee qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland ayaa lagu xardhay calanka Somaliland, iyadoo goobaha ganacsiga iyo goobaha ay ku badan yihiin dadweynaha lagu muujiyay dabaaldegga 25-sano guurada ka soo wareegatay markii ay Somaliland ka go’day Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-