XASAASI: Shir la isku mari la’yahay oo Madaxda Dowladda iyo Beesha Caalamka uga socda Muqdisho

0

Xarunta Vila-hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soconaya Shir u dhexeeya Madaxda Dowladda Soomaaliya,Xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo Guddiga Baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan Turxaan Bixinta iyo Dib u eegista Heshiiskii Madasha.

Shirka ayaa la sheegay in wali la isku mari la’yahay islamarkaana Dhinacyada ay ku kala Arragti duwan yihiin.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Xubno ka mid ah beesha Caalamka ay diidan yihiin In Gobolka Banadir uu wax ku yeesho Aqalka sare.

Hayeeshee wali Kulamadii ayaa socda,iyadoo aan la ogaan karin waxyaabaha kale ee looga hadlayo,maadaama aan warbaahinta loo Ogoleyn.