DAAWO:- Dowlada Kuwait oo Soomaaliya ka taageereyso la dagaalanka Al-Shabaab iyo sugida amniga

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukumadda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa Magaalada Kuwait Ee Caasimadda Wadanka Kuwait kula kulmay  Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi Sheekh Sabaax Khalid Al-xamid Al-sabaax.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Kuwait ayaa ka wada hadlay Arrimo ay ka mid yihiin Xariirka Labada dal iyo la dagaalka Xarakada Al-shabaab.

Kulanka ayaa waxaa  uu ka dhacay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Kuwait.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Wadanka Kuwait Sheekh Sabaax Khalid Al-xamid Al-sabaax ayaa sheegay in Xukumaddiisu ay garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya ay dib ugu soo laaban laheyd Hormarkii lagu yaqaanay.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

wa 1 wa 2 wa 3 wa 4 wa 5