UPDATE: Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada oo shir ku yeelanaya Muqdisho

0

Madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa waxa ay shir ku yeelayanaan magaalada Muqdisho, iyadoo madaxda maamul goboleedyada haatan ay ku soo qul qulayaan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa inta uusan ka soo amba bixin magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland warbaahinta la hadlay waxa uuna sheegay in Muqdisho uu kaga qeyb galayo shir looga hadlayo arimaha Dastuurka.

C/wali Gaas ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay jiri doonaan shirar kale oo ay Muqdisho kula yeelan doonaan xubno ka socda Beesha Caalamka, iyadoo uu tilmaamay in shirarkaas ay yihiin kuwo muhiim ah.

Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada ayaa horey waxa ay ugu heshiiyeen in ay qabsoonto Doorashada sanadkan xilligeeda, dowladdana wax muddo kordhin ah aan loo sameyn doonin.