TOP: Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in AMISOM laga saarayo Garoonka Muqdisho dib udhisna lagu sameynayo

0

Waxaa maanta Garoonka Muqdisho Stadium booqday wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoo Garoonka ay degan yihiin ciidamada AMISOM oo Soomaaliya ujooga nabad ilaalin.

Wasiirada maanta Stadium Muqdisho booqday waxaa ka mid ah Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha dowladda Soomaaliya Maxamed C/laahi Xasan Nuux, Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wasiir Nuux ayaa sheegay in Garoonka dib udhis lagu sameyn doono ciidamada AMISOM sidoo kalena ay isaga bixi doonaan Stadium Muqdisho.

C/risaaq Cumar Maxamed Wasiirka Amniga ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in dib udhis lagu bilaabo Garoonka si howlihiisa hore ay usoo noqdaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaarineyso Mashaariicdii lagu dhisi lahaa Garoonka Muqdisho, waxaana ay sheegatay in qorshahaas ay hada ku guda jiraan.