TACSI: Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geerida Danjire Axmed Xasharo

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray, qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Danjire Axmed Cabdi Xaashi Xasharo oo ahaa La Taliyaha Madaxweynaha ee xiriirka dibedda.

“Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo keygaba waxaan murugada iyo tiiraanyada la qeybsanayaa qoyska iyo shacabka uu ka baxay walaalkeen marxuum Xasharo oo runtii ahaa khabiir dalkiisa hawl wanaagsan u soo qabtey, muujiyeyna waddaninimo iyo karti dheeraad ah’’.

Marxuum Xasharo waxaa uu maanta ku geeriyooday magaalada Ottawa ee dalka Canada oo muddooyinkan dambe uu ku xanuunsanayey. Allah u naxariistee marxuum Axmed Cabdi Xaashi Xasharo waxaa uu sannadkii 1939-kii ku dhashey magaalada Laas Caanood.

Waxaa uu ka soo shaqeeyey wasaaradihii Garsoorka, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda. Waxaa uu Soomaaliya danjire uga soo noqdey Jamhuuriyaddii Jarmalka Bari iyo Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii , eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.