Tababare Caan ah oo geeriyooday

0

Waxaa geeriyooday tababaraha caanka ahaa ee Itoobiya u dhashay, Woldemeskel Kostre, kaasoo soo saaray dad badan oo magac ku leh orodada caalamka. Waxa uu jiray 69 sano.

Woldemeskel ayaa soo saaray orodyahano Itoobiya u dhashay oo ay ka mid yihiin, Haile Gebrselassie, Kenenisa Bekele iyo Tirunesh Dibaba, kuwaasoo ku guuleystay bilado badan, isla markaana rikoor u dhigay orodada caalamka.

Ururka maamula ororada caalamka ee magaciisa loo soo gaabiyo I-A-A-F ayaa ka tacsiyeeyay geerida tababaraha, waxaana uu sheegay in Woldemeskel ay dad badan u tiiriyaan guusha ay Itoobiya ka gaartay ororada dheer, gaar ahaan sanadihii sideetamaadkii.

Woldemeskel oo qudhiisa orodyahan ahaa, ayaa wax kusoo bartay dalka Hungary, waxaana uu mar diiday inuu ka qeyb qaato tartanka Olympic-kada.