Masuul ka tirsan Dowlada Uganda oo loo heysto Khiyaano Qaran

0

Kizza Besigye, hogaamiyaha mucaaradka Uganda, ayaa maanta la filayaa in lagu qaado dacwad khiyaano qaran ah.

Ninkan ayaa ahaa musharraxa ugu weyn ee doorashadii dhawaa ka dhacday Uganda kula tartamay madaxweyne Yoweri Museveni.

Arrintan waxaa loo arkaa fursad ay dowladda ku sixi karto wixii khaladaad ah ee ku jira habkeeda sharciga ee ka dhanka ah Kizza Besigye.

Markii hore waxaa maalintii Jimcihii dacwad lagaga soo oogay magaalada Moroto, oo ku taalla waqooyiga bari Uganda.

Taasi waxa ay dhacday kadib markii uu laba habeen xabsiga ku baryay.

Xilligaas waxaa la sheegay in lageeyay maxkamad hoose waqti shaqada laga rawaxay, taageerayaashiisana waxa ay sheegayaan in aan loo ogolaan qareenadiisa in ay la kulmaan.

Besigye, markaasi kadib waxaa loo soo dhaadhiciyay magaalada Kampala, sida lagu sheegayna hadal ka soo baxay garsoorka dalkaasi, waxaa lagu soo oogi doonaa dacwad cusub, waxaana rasmi ahaan laga dhigi doonaa rumaan.

Waxaa lagu eedeeyay in uu si joogta ah ugu dhawaaqayay inuu isagu yahay kan ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee muranka dhalisay.

Maxkamadda sare ee dalka Uganda, waxa ay xukuntay in madaxweyne Yoweri Museveni uu isugu yahay kan saxda ah ee ku guuleystay doorashada.

Arbacadii hore, hoggaamiyaha mucaaradku waxa uu dhigay xaflad uu isku dhaariyay in uu isagu yahay madaxweynaha, markaasi kadibna waxaa laga qabtay magaalada Kampala, iyadoo loo dhaadhiciyay magaalada Moroto.

Xigasho BBC