Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay bur burisay Saldhigyo ay Al-shabaab ku la haayeen Diinsoor

0

Wararka inaga soo gaaraya gobolka Baay gaar ahaan degmada Diinsoor ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ay howlgallo ka sameeyeen deegaanada iyo tuulooyinka hoostaga degmada Diinsoor.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in howlgalladan ay yihiin kuwo ururka Al-shabaab looga saarayo deegaanada iyo tuulooyinka ay kaga sugan yihiin degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Maamulka degmada Diinsoor ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay bur buriyeen Saldhigyo ay ururka Al-shabaab ku lahaayeen deegaanada howlgalka laga sameeyay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada AMISOM ee howlgalka ujooga Soomaaliya ayaa waxa ay gobolada dalka qaar ka wadaan howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab.

Horey maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu usheegay in ay diyaariyeen ciidamo gaar ah oo isku fura wadada udhaxeysa gobolada Baay iyo Bakool.