Dowlada Sacuudiga oo loo haysto weerarradii 9/11

0

Senate-ka Mareykanka ayaa meel mariyay sharci u ogolaanaya ehelada dadkii ku dhintay weerarradii magaalooyinka New York iyo Washington lagu qaaday 11-kii September 2001-dii, in ay maxkamad geeyaan dowladda Sacuudi Carabiya.

Dowladda Sacuudiga ayaa horay ugu hanjabtay in ay balaayiin dollar oo u taalla Mareykanka la baxayso, haddii uu Senate-ka dalkaasi meel mariyo sharcigan.

Balse Senatarada taageersan sharciga cusub ayaa sheegay in ay aanu dhaawac u geysan doonin xiriirka Mareykanka uu la leeyahay Sacuudiga.

Senatar Charles Schumer oo laga soo doorto New York ayaa sheegay in Sacuudigu aanay wax dhib ah kala kulmeyn sharcigan, haddii aanay ku lug lahayn weerarradii dhacay 11-kii September 2001.

Balse afhayeenka aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo, Josh Earnest, ayaa sheegay in sharcigan uu ka hor imanayo mabda’ xasaanadda dalalka madaxa bannaan, isla markaana uu khatar gelin karo danaha ammaan ee Mareykanka.