DHAGEYSO:- Xaalada Magaalada Baladweyne oo Saakay degan ka dib dagaaladii shalay ka dhacay

0

Xaalad daganaansho ayaa saakay laga dareemayaa Magaalada Baledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan oo shalay ay ku dagaalameen Labo maleeshiyo Beeleedyo wada daga Magaalada Baledweyne.

Dad ku sugan Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Inoo sheegay in xaalka saakay magaalada Baledweyne uu yahay mid aad u dagan kadib markii ay shalay ku dagaalameen Meeleeshiyo beeleedyo wada daga Magaalada Baledweyne.

Maamulka Baledweyne ee dowlada soomaliya aynu la xiriirnay ayaa inoo sheegay in lagu guuleystay in la kala qaado beelihii shalay ku dagaalamay Gudaha magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Dadkii ku dhaawacmay dagaalka ayaa la Gaarsiiyay Isbitaalka Magaalada Baledweye  ee xarunta Gobolka Hiiraan si Halkaa loogu dabiibo dhaawacyada kasoo Gaaray dagaalkii shalay.

Booliiska magaalada Baledweyne ayaa sheegay in ay awood u adeegsan doonaan in ay joojiyaan dagaalka magaalada Baledweyne.

Hoos ka Dhageyso Codka:-