DHAGEYSO:- Wasaarada Haweenka ee Dowlada oo si deg deg ah u dalbatay in la ansixiyo Sharciga ka hortaga Xadgudubka Jinsiga

0

Wasaarada haweenka iyo xuquul insaanka  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbatay in la Dadajiyo Ansixinta Sharciga ka hortaga Xadgudubka Jinsiga.

Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo xuquul insaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in loo baahanyahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dadajiyo ansixinta Sharciga ka hortaga xadgudubka loo geysto haweenka Soomaaliyeed.

Wasiirada ayaa sheegay in sharcigaas ay kasoo shaqeysay wasaarada haweenka ,ayna ku saleeyeen diinta islaamka ,islamrkaana golaha wasiirada dowladda Soomaaliyeed looga baahanyahay  in ay ansixiyaan.

Soomaaliya ayaa la sheegaa in ay ka mid tahay dalalka lagu dhibaateeyo haweenka .

Hoos ka Dhageyso Codka:-