DHAGEYSO WAREYSI:- Wariye Caan ah oo ka hadlay Musharaxiintii ku guuleystay hogaanka NUSOJ

0

Cabdi Kaamil Yuusuf Maxamuud oo ka mid ah suxufiyiinta ku sugan Caasimada Sudan ayaa ka hadlay aragtidiisa doorashadii hogaanka cusub NUSOJ oo muqdisho ka dhacday.

waxa uu ugu horeyn C/kaamil Kaamil bogaadiyay isbadalka cusub ee dhacay, isagoo ku tilmaamay musharixiinta tanaasushay kuwo dareemaya muhiimada ay leedahay inuu isbadal dalka ka dhaco gaar ahaan dhanka warbaahinta.

Cabdi Kamail Yuusf Maxamud oo mudo kasoo shaqeeyay warbaahinta ka jirta muqdisho ayaa hada ah Agaasime ku xigeenka Africa tv 4 ayaa ku taliyay in si hoose loo xaliyo tabashooyinka ka imanaya dhanka Musharixiintii tartantay.

Waxyaabaha uu taabtay Kaamil waxaa qeyb ka ah dhaliisha ka imaneysay saxafixiyiinta soomaalida ah ee kusugan Qurbaha oo qaarkood dhaliilay Doorashada,waxey ku sheegeen midaan xalaal eheyn maadaama aan la casuumin,Kaamil waxa uu wax lala yaabo kutilmaamay hormarka la sameynayo.

ugu danbeyn waxa uu Talooyin usoo jeediyay Xubnaha Cusub ee Nusoj ee la doortay wuxuuna kula taliyay in la sameeyo machad lagu kobciyo garaadka iyo aqoonta Suxufiyiinta da’da yar ee shaqeysa iyo Barta Mihnada Saxaafada.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-