DHAGEYSO:- Saxafiyiinta Puntland oo soo dhaweeyay doorashada hogaanka NUSOJ iyo Madaxda Cusub

0

Ergooyinkii Saxafiyiinta Puntland u mataleysay doorashada Hogaanka NUSOJ ayaa soo dhaweeyay qaabkii ay doorashada u dhacday iyo masuuliyiintii ku guuleystay hogaanka NUSOJ.

Saxafiyiinta Puntland ayaa waxay si cad u sheegeen in ay ku qanacsan yihiin doorashadii ka dhacday Muqdisho iyo masuuliyiinta ku guuleysatay hogaanka NUSOJ.

Waxay sidoo kale dardaaran iyo talooyin u jeediyeen masuuliyiintii ku guuleusatay hogaanka NUSOJ.

Doorashada intii ay socotay waxaa madasha goobjoog ka ahaa Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, Masuul ka socday Maxkamada Racfaanka, Ururada Haweenka Qaranka iyo kan gobolka Banaadir, qabiiro dhanka Saxaafada iyo marti sharaf kale.

Hoos ka Dhageyso Codadka:-