DHAGEYSO:- Maamulka Puntland oo war ka soo saaray Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, digniina u diray shaqsiyaad gaar ah

0

Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo garoomada Maamulka Puntland Xasan Xaaji Saciid ayaa sheegay in Garoonka diyaaraha Gaalkacyo uusan xirnayn balse diyaaradaha qaar ay diideen inay ka dagaan Garoonka.

Wasiirka ayaa digniin adag u diray shaqsiyaad uu sheegay iney carqaladeynayaan shaqada Garoonka Gaalkacyo,waxa uu hadalkiisa intaasi sii raaciyay in Garoomada Puntland oo dhan lacagtaas laga hirgalinayo ayna tahay mid waafaqsan sharciga.

Dadka ku dhaqan deegaanada Puntland ayuu kula taliyay iney u hogaansamaaan lacagaha canshuuraha ah ee lagu soo rogay taa badalkeed ayuu sheegay iney heli doonaan Amni Buuxa.

Xasan Xaaji Siciid Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Maamulka Puntland ayaa dhinaca kale shaaciyay in lacagahaan canshuuraha ah laga qaado dhamaan garoomada Gobalada dalka soomaaliya iyo waliba kuwa caalamka,waxa uu dadka maamula shirkadaha diyaaradaha ayuu usheegay in Canshuurtaan aysan ku koobneyn deeganadeeda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-