DHAGEYSO:- Maamulka Koofur galbeed oo sheegay iney Al-Shabaab ka saarayaan deegaanadooda

0

Wasiirka Wasaarada hub kadhigista iyo tababarada meeleeshiyaadka maamulka Koofur Galbeed Xasan Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhawaan Shabaab laga saari doono guud ahaanba meelaha ay ka maamulaan deegaanada maamulka Koofur galbeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in howlgala Shabaab looga saaro deegaanada maamulka Koofur Galbeed uu maraayo meel gabagabo ah ,islamarkaana bilooyinka soo socda Shabaab laga guuleysan doono.

Wasiirka ayaa sheegay in howlgalka Shabaab la kula dagaalamayo ay iska kaashan doonaan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koofur Galbeed

Hoos ka Dhageyso Codka:-