DHAGEYSO:- Booliiska Dalka Hindiya oo xeray muwaadin Soomaaliyeed

0

Wararka naga soo gaaraya dalka India ayaa sheegaya in dowladda India ay xabsiga dhigtay muwaadiin Soomaaliyeed oo laga sheegay in ay kunool laayeen meel ku dhow magaalada Hyderabad ee dalka India.

Tirada Soomaalida lagu xiray dalka India ayaa lagu sheegay in ay dhan yihiin 2 qof oo rag ah sida laga soo xigtay warbaahinta dalka India.

Boliiska magaalada  Golconda ayaa xiray  Awais Mahamoud Jamac oo 31 sano jir ah  iyo sidoo kale Fadhi Mahamoud Jamac oo 33 sano jir ah,waxaa sidoo kale la xiray nin kale oo magaciisa lagu soo gaabiyey Axmed.

Qaar ka mid ah warbaahinta dalka India ayaa qoraysa in raggaas lagu qabtay iyaga oo magaalada ku dhex iibinaya Khaat ama jaadka iyo sidoo kale daroogooyin kale  oo laga mamnuucay dalka India sida laga soo xigtay booliiska xiray raggaas.

Aweys ayaa la sheegay in 2 dii sano ee la soo dhaafay uu kunoolaa dalka India islamarkaana uu qaatay kaarka qaxootiga ee ay bixiso hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan arimaha qaxootiga laanteeda dalka India.

Soomaalidaan lagu xiray dalka India ayaa la sheegay in xerada qaxootiga ee ay kunoolaayeen ay ku iibin jireen jaadka ,islamarkaana ay heysteen macaamiil badan oo dalka india u dhalatay oo jaadka si qarsoodi ah uga qaadan jiray sida uu wargeys ka soo baxa dalka  u sheegay koniel tag oo ka tirsan dadka kunool xerada .

Boliiska India ayaa sheegay in raggaan baaritaan dheeri ah la marsiin doono ,islamarkaana maxkamad la soo taagi doono.

Hoos ka Dhageyso Codka:-