DEG DEG:- Taliye Cusub oo la magacaabay Ciidanka Midowga Yurub ee jooga Xeebaha Soomaaliya

0

Guddiga siyaasadda iyo amniga  Midowga Yurub ayaa u magacaabay Brigadier Robert Magowan in uu noqdo taliyaha Cusub ee ciidanka Midowga Yurub ee ka howlgala xeebaha Soomaaliya.

Brigadier Robert Magowan ayaa ahaa sarkaal sare oo katirsan Machadka arimaha Badda  ee dalka Britain ee Royal Marine.

Guddiga ayaa sheegay Brigadier Robert uu yahay shaqsi aqoon dheer u uleh arimaha ciidanka ,sidaas darteedna loo magacaabay markii la arkay in loo baahanyahay in la dardargaliyo ciidanka Midowga Yurub ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya.

Taliyaha cusub ee loo magacaabay in uu hogaamiyo ciidanka Midowga Yurub ee ku sugan Soomaaliya  ayaa lagu  wadaa in uu xilka kala wareego taliyihii hore ciidanka Badda ee Midowga Yurub General Martin Smith 3 June 2016 .

Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay intii ciidanka Midowga Yurub ay joogeen Soomaaliya in ay ka hortageen falal badan oo ku saleysan burcad badeenimo iyo sidoo kale in ay ilaalilyeen Maraakiibta shixnada gargaarka ee maraya ee xeebaha Soomaaliya.

Howlagalka ciidanka Midowga Yurub ayaa bilowday sanadkii 2008 xiligaas oo ay taagneyd khatarta Burcadbadeeda .