DHAGEYSO:- Ciidamada amaanka ee Dowlada oo Xalay toogtay nin dil ka geystay Muqdisho

0

Ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee Degmada Heliwaa ee Muqdisho ayaa Xalay Toogasha ku dilay Nin Bastoolad iyo Bambooyin ku hubeysnaa, kaas oo Qof shacab ah dilay ka dibna Bam ku tuuray dad ku sugnaa gudaha degmadaasi.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir C.fataax Xalane ayaa sheegay in ninka la toogtay uu iska caabin kala horyimid ciidamada Ammaanka, isagoo ay ku dabajoogeen markii uu nin dhallinyar ah dilay kahir inta aan la toogan.

“Degmada Heliwaa Caawa waxaa ka dhacay nin bastoolad iyo Bamgacmeed wata ayaa nin shacab ah Dilay, ka dib ciidanka Amniga ayaa Ceyrsaday, Bam ayuu ku soo tuuray Gabar ka mid ah dad banaanka ku sheekeysanayay ayaa ku dhaawacantay, markuu isdhiibi waayayna ciidamada ayaa toogay”ayuu Yiri Xalane.

Ciidamada Ammaanka ayaa Xoojiyay howlaha Sugidda nabadgalyada magaalada Muqdisho, iyadoo laga hortagay weeraro kala duwan oo ay Al-Shabaab qorsheenayeen in ay la beegsadaan goobaha dadka shacabka ah ay ku badan yihiin.

Hoos ka Dhageyso Codka:-