AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalada dib ugu bilowday Magaalada Baladweyne

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal uu ka socdo  duleedka magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyay Beelo walaalo ah oo halkaasi wada dega, iyadoo dagaalka uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaar ka mid ah dadka kunool Baledweyne ayaa sheegaya in uu dagaalku xoogan yahay ,islamarkaana rasaas culus leysku adeegsanaayo.

Bulshada Magaalada Baledweyne ayaa waxaa isugu darsoomay dagaal iyo fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabelle ee maraya Bartamaha Magaalada Baledweyne.

Maamulka Gobolka, Kan Degmada iyo Ciidamada Amisom ayaa waxa ay garan la’yihiin sidii ay ku wajihi lahaayeen dagaaladan culus ee labada Maleeshiyo beeleed ku dhexmaraya Xaafada Howlwadaag.

Shalay ayaa dagaal culus waxa uu ka dhacay magaalada baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

wixii soo kordha kala soco Shabakada Wararka Allgalgaduud.com…