DHAGEYSO:- Israsaaseyn ka socota Magaalada Beydhabo iyo goobo ganacsi oo la dhacay

0

wararka aan ka heleyno magaalada Beydhabo ee xarrunta gobolka Baay ayaa shegaya in uu socto is rasaaseen u dhaxeysa ciidamo ka wada tirsan maamulka Koonfur-galbeed ee somaaliya.

Dagaalka ayaa biloowday kadib markii ciidamo ka tirsan Daraawiishta Koonfur-galbed oo mushaar la’aan ka careysanaa ay gadood ka sameyen gudaha Beydhabo waxaana ciidankaas ay xereen qaar ka mid ah wadooyinka magaaladda balsa ciidankale oo isla koonfur galbed ka tirsan ayeey is qabteen sidaasna waxaa ku biloowday Rasaas oo ilaa iyo hadda socoto .

Wararka qaar ayaa sheega in ciidanka gadoodsan ay dhac u geysten goobo ganacsi oo magaalada ku yaala balsa wararkaas maamulku wuu beeniyay.

Taliye ku xikeenka booliska gaarka ah ee maamulka Koonfur-galbeed Maxamed Isxaaq Xasan ayaa shegay in aysan jirin ciidan gadood sameeyay wararkaasna ay been abuur yihiin.

Sidoo kale Taliye Maxamed Isaaq aya ka warbixiyay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay deegaano ka tirsan maamulka Koofur galbeed.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Taliyaha:-