DHAGEYSO:- IGAD oo beesha Caalamka ku dhaliishay iney ka gaabisay Arrimaha Soomaaliya

0

Wakiilka  IGAD ee arimaha Soomaaliya  Maxamed Cabdi Afeey ayaa sheegay in beesha caalamka ay ka gaabisay arimaha siyaasada Soomaaliya.

Afeey ayaa beesha caalamka ku dhaliilay in ay gaabisay arimaha Soomaaliya,waxa uuna sheegay in jirto taageero aan taag badan laheyn oo ay beesha caalamku u muujiso dalka Soomaaliya.

Afeey ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu xil ka saaran yahay shacabka Soomaaliyeed,islamarkaana looga baahanyahay in ay muujiyaan isku duubni.

Hoos ka Dhageyso Codka:-