TOP DHAGEYSO:- Maamulka Hiiraan oo sheegay in ay baarayaan Lacago faalso ah

0

Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa ka hadlay sarakac xoogan oo laga dareemayo gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay in maamulka gobolka Hiiraan ay ku mashquulsan yihiin sidii baaritaan dhab ah ay ugu sameyn la haayeen wararka sheegaya in Lacago Faalso ah la soo galiyay gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay in cidii arintaasi ay ku cadaato sharciga ay marsiin doonaan oo si dhab ah loola xisaabtami doono.

Banaan baxyada noocan oo kale ah ayaa maalmihii u dambeeyay ka soconayay gobolada kale ee dalka. waxaana ay dhamantood salka ku hayaan cabashada maciishadda oo korortay iyo sarifka Lacagaha Qalaad oo cirka isku shareeray.

HALKAAN KA DHAGEYSO